Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo lagu qaaday kaniisad ku taalla gobolka Karak ee dalka Urdun, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay si cad uga soo horjeeddo weerarrada lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo goobaha ay bulshadu isugu timaaddo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diiddan tahay rabshadaha iyo xagjirnimada nooc kasta oo ay yihiin, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta goobaha cibaadada iyo badbaadada dadka rayidka ah.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa muujisay garab-istaag ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Urdun, waxayna tacsi u dirtay qoysaska ay eheladoodu ku dhinteen weerarka.
Dowladda ayaa sidoo kale dhaawacyada u rajaysay caafimaad degdeg ah, iyadoo ku baaqday in caddaaladda la horkeeno dhammaan dadkii mas’uulka ka ahaa weerarka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale muujisay mowqifkeeda ku aaddan la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada, iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah iyo goobaha cibaadada.