U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Cumaan

Oktoobar 24, 2026

Muqdisho, 24 Oktoobar 2026 — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo Safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u soo magacawday Soomaaliya, Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay safiirka cusub, isaga oo u ballanqaaday in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay si buuxda u taageeri doonto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa safiirka ugu hambalyeeyay dib u furista safaaradda Saldanadda Cumaan ee magaalada Muqdisho, kaddib muddo 36 sano ah oo ay xirnayd.

Wasiirka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa kalsoonida xooggan ee Cumaan ku qabto Soomaaliya, isla markaana ka tarjumaysa rabitaanka labada dal ee xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dowladda Cumaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u muujiso madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dib u furista safaaradda Cumaan ee Muqdisho ayaa la filayaa inay gacan ka geysato xoojinta xiriirka labada dal, ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Cumaan.