Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay xoojinayso tababarrada ay siiso Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad, si kor loogu qaado awoodda iyo xirfadaha ciidanka ee la xiriira sugidda amniga.
Arrintan ayaa lagu sheegay kulan dhexmaray Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay laamaha ammaanka ee dalka Turkiga, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal.
Dowladda Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadata tababarka iyo tayeynta ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo iskaashiga labada dhinac uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha amniga dalka.