U bood dhigaalka

Rasaas laga maqlay Mooyaale iyadoo tirada dadka Itoobiya uga qaxay Kenya ay gaartay 50,000

Oktoobar 30, 2026

MOOYALE (Goobjoog News) — Rasaas goos-goos ah ayaa mar kale laga maqlay magaalada Mooyaale ee dhinaca Itoobiya, xilli ay sii socoto xiisadda colaadeed ee u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada, taas oo sababtay barakac ballaaran iyo hakad ku yimid isu-socodka dadka iyo ganacsiga xuduudda.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), oo ku sugan dhinaca Kenya ee xuduudda, ayaa sheegay inuu maqlay rasaas laga ridayey dhinaca Itoobiya. Gaadiidka xamuulka ayaa ku xanniban labada dhinac ee xuduudda, waxaana hakad galay ganacsigii iyo isu-socodkii dadka. Ilaa hadda lama xaqiijin cidda ridday rasaasta iyo khasaaraha ka dhashay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in tirada dadka ka soo barakacay Itoobiya ee galay Kenya ay gaartay qiyaastii 50,000 oo qof, halka maalin ka hor lagu qiyaasay 36,000. Tiradan ayaa ku salaysan xog laga helay maamulka deegaanka, iyadoo weli ay socdaan diiwaangelinta iyo xaqiijinta dadka barakacay.

Dadkaasi waxay ku kala sugan yihiin xeryo ku-meel-gaar ah, iskuullo iyo kaniisado, halka qaar kalena ay hoy ka heleen qoysas iyo qaraabo ku nool Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in colaadda ay salka ku hayso muran la xiriira maamulka iyo lahaanshaha dhulka xuduudda, gaar ahaan calanka Dowlad-Deegaanka Soomaalida iyo furitaanka xafiis maamul oo laga sameeyey dhul ay labada dhinac isku haystaan.

Xiisadda ayaa sii xoogaysatay kaddib dilkii gabar 13 jir ahayd 18-kii Oktoobar, waxaana 22-kii isla bishan la soo sheegay dagaallo culus oo sababay barakac hor leh.

Inta badan dadka ka cararay colaadda waa haween iyo carruur, kuwaas oo u baahan cunto, biyo nadiif ah, hoy, adeegyo caafimaad iyo agab nadaafadeed.

Hay’adaha UNHCR, UNICEF, IOM iyo WFP ayaa ku baaqay in la helo 8.9 milyan oo doollar si muddo saddex bilood ah gargaar loogu gaarsiiyo ilaa 50,000 oo qof oo ay colaadda saameysay.

Xiisadda Mooyaale ayaa saameyn ku yeelatay ganacsiga xuduudda iyo isu-socodka dadka u kala goosha Itoobiya iyo Kenya, iyadoo sidoo kale walaac laga muujinayo saameynta ay ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida bulshada ku nool Dowlad-Deegaanka Soomaalida.