Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo casriyeynta Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.