War kasoo baxay shirkadda isgaarsiinta hawada ee Turkiga ayaa lagu sheegay in la soo gabagabeeyay wejiga naqshadeynta dayax-gacmeedka cusub ee Turksat 7A, iyadoo la qorsheynayo in wax-soo-saarkiisa la bilaabo dabayaaqada sanadkan.
Qoraal ay baahisay warbaahinta Turkish Century ayaa lagu sheegay in dayax-gacmeedkan uu noqon karo kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga gano gudaha Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya ee dhanka hawada sare iyo tiknoolajiyadda.
Mashruuca Turksat 7A ayaa la sheegay inuu yahay dayax-gacmeed casri ah oo loogu talagalay isgaarsiinta, waxaana Turkigu doonayaa inuu ku xoojiyo awooddiisa tiknoolajiyadeed iyo adeegyada satellite-ka.
Haddii qorshahan uu hirgalo, Soomaaliya waxay yeelan kartaa door cusub oo muhiim ah oo la xiriira hawada sare iyo adeegyada casriga ah ee isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale kor u qaadi karta sumcadda dalka iyo maalgashiga teknoolajiyadda.