Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen bannaanbaxii la filayay in maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 16-ka May uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.
Mucaaradka ayaa sheegay inay go’aankaasi qaateen si fursad loo siiyo wada-hadallada socda ee u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka.
Bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in muhiimad gaar ah la siinayo dadaallada lagu doonayo in heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan dulqaad iyo taageero ku aaddan xal kasta oo wadahadal lagu gaari karo, iyagoo xusay in ay weli ka go’an tahay difaaca xuquuqda shacabka iyo hirgelinta hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.