Maanta oo taariikhdu tahay 15-ka May ayaa si rasmi ah u dhammaanaya muddo-xileedka afarta sano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xilligan ayaa kusoo aadaya iyadoo ay socdaan wada-hadallo u dhaxeeya madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Mucaaradka ayaa dowladda ku cadaadinaya in heshiis laga gaaro nooca doorasho ee dalka lagu geli doono, halka dowladda ay sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.
Sidoo kale, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku baaqaya in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis.