Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya uu ku furay wax loogu yeeray “safaarad” magaalada Qudus (Jerusalem), iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo aan wax saameyn ah ku lahayn mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isla markaana aysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo wax u dhimaya xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee qaranka Soomaaliyeed.
Dowladdu waxay sheegtay in tallaabadan ay ka hor imaaneyso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada ururrada heer gobol iyo heer caalami ee khuseeya arrinta Qudus iyo qaddiyadda Falastiin.
“Soomaaliya waxay si adag u diiddan tahay tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo mowqifka sharciyeed iyo siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay tahay “mid sharci ahaan waxba kama jiraan ah,” isla markaana ay ka dhigan tahay “xanaaq iyo provocation aan la aqbali karin” oo ku wajahan dunida Carabta iyo Islaamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay taageeradeeda qaddiyadda Falastiin iyo mowqifkeeda ku aaddan in magaalada Qudus ay tahay arrin xasaasi ah oo ay tahay in lagu xalliyo heshiisyo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.