U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Digniin u Dirtay Muwaadiniinta u Safraya Masar

Maajo 24, 2026

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa digniin muhiim ah u dirtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalaya dalka Masar, kadib markii maamulka Masar uu soo rogay shuruudo cusub oo la xiriira safarka.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Maajo 2026, muwaadiniinta Soomaaliyeed looga baahan yahay inay hore u helaan oggolaanshaha safarka ee loo yaqaano “OK-to-Board” ka hor inta aysan u duulin dalka Masar.

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay sheegtay in qof kasta oo Soomaaliyeed oo jooga Jamhuuriyadda Carabta ee Masar uu si rasmi ah ugu laabto Qunsuliyadda Masar si loo dhammeystiro habraacyada safarka.

Hay’addu waxay xustay in tallaabadan ay qeyb ka tahay xoojinta iskaashiga socdaalka iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.