U bood dhigaalka

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Kuwait

Maajo 30, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday dhulka Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait, isla markaana ay si buuxda u taageersan tahay madaxbannaanida, amniga, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in falalkan ay khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, isla markaana ay ka hor imanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayna mudnaanta siiyaan wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed si looga hortago xiisad hor leh loona ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait xilligan adag.