U bood dhigaalka

Turkiga oo Bilaabay Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya

Juun 1, 2026

MUQDISHO, Goobjoog – Dowladda Turkiga ayaa bilowday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Ankara, kana kooban diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare, ayaa lagu wadaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka si loo raadiyo xal wada-hadal ku dhisan oo looga gudbo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan.

Dadaalladan ayaa yimid kaddib kulan ka dhacay magaalada Istanbul, kaas oo ay ka qeybgaleen xubno muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in mucaaradku ay aqbaleen in Turkigu kaalin dhexdhexaadin ah ka qaato khilaafka siyaasadeed ee haatan dalka ka jira.

Dhanka kale, siyaasiyiin mucaarad ah ayaa hore ula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan in Ankara ay si toos ah ugu milanto loollanka siyaasadeed ee gudaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee, wafdigan cusub ayaa loo arkaa tijaabo muhiim ah oo lagu qiimeynayo awoodda Turkiga ee ah inuu dhexdhexaad ka noqdo muranka taagan isla markaana miiska wada-hadalka isugu keeno dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda Soomaaliya.