U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo UNDP oo Daahfuray Nidaam Qaran oo looga Hortagayo Masiibooyinka Cimilada

Juun 3, 2026

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iskaashi la sameysay hay’addq UNDP iyo Green Climate Fund si loo daahfuro nidaamka cusub ee digniinta hore ee masiibooyinka dabiiciga ah.

Mashruucan oo qayb ka ah barnaamijka caalamiga ah ee “Early Warnings for All” ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo ka hortagga iyo u diyaar garowga masiibooyinka sida abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee cimilada la xiriira.

Mas’uuliyiinta UNDP ayaa sheegay in qorshuhu yahay in marka la gaaro sannadka 2030 la dhimo dhimashada ka dhalata masiibooyinka ilaa 42%, isla markaana digniinta hore lagu gaarsiiyo dhammaan dalka, halka hadda ay gaarto qiyaastii 20% shacabka.

Waxaa lagu maalgelinayaa deeq dhan 12.7 milyan oo dollar.
Sida lagu sheegay qorshaha, in ka badan 1.2 milyan oo qof ayaa si toos ah uga faa’iideysan doona helitaanka digniinaha hore, halka ku dhawaad 8 milyan oo qof si dadban looga ilaalin doono khataraha masiibooyinka.

Barnaamijkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya haweenka, dhalinyarada, barakacayaasha iyo bulshada reer miyiga ah, iyadoo la dhisayo hannaan sharci iyo isgaarsiin degdeg ah oo wax ku ool u noqda marka ay dhacaan masiibooyin.