MUQDISHO – Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa walaac weyn ka muujisay wararka ku saabsan rabshadaha iyo dagaallada ka dhacay magaalada Muqdisho habeenkii xalay.
Qoraal ay baahisay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshaduhu yihiin kuwo aan la aqbali karin, iyadoo loogu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya xaaladda taagan inay muujiyaan is-xakameyn iyo masuuliyad.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan isla markaana ay galaan wada-hadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah si xiisadaha loogu xalliyo si nabad ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ingiriiska ayaa carrabka ku adkeeyay in xalka ugu habboon ee lagu dhammeeyn karo khilaafaadka siyaasadeed iyo amni uu yahay wada-hadal iyo is-afgarad, halkii la adeegsan lahaa awood ciidan iyo rabshado.
Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka ay walaac ka muujiyeen xaaladda amni ee Muqdisho, iyagoo madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan xasilloonida dalka iyo badbaadada shacabka.