Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo gabagabeeyeen hawlgal socday muddo 48 saacadood ah, kaas oo sida ay dowladda ku warrantay looga hortagayay maleeshiyaad hubeysan oo doonayay inay amni-darro ka abuuraan magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxo hubeysan oo watay hub culus ay galeen xaafado ka tirsan caasimadda, halkaas oo ay weerarro ku qaadeen ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah.
Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku si taxaddar leh ula tacaaleen xaaladda, isla markaana ay ku guuleysteen inay hubka ka dhigaan maleeshiyaadkii ku lugta lahaa dagaallada.
Sidoo kale, dowladda ayaa eedeymo u jeedisay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed, iyadoo ku tilmaantay inay ka dambeeyeen abaabulka maleeshiyaadka.
Dowladda waxay sheegtay in hay’adaha ammaanka iyo garsoorku bilaabeen baaritaanno rasmi ah oo ku saabsan dhacdooyinkaasi.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in Dowladda Federaalka aysan aqbali doonin jiritaanka maleeshiyaad hubeysan oo ka baxsan nidaamka ciidamada qaranka, iyadoo xustay in hub sharci ah ay qaadan karaan oo keliya ciidamada ammaanka ee dalka.
Dowladdu waxay uga digtay shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lug leh falalka ay ku tilmaantay kuwa sharci-darrada ah inay ka waantoobaan, iyadoo sheegtay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falalkaasi.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay ciidamada ammaanka doorkooda ku aaddan sugidda amniga Muqdisho, waxayna sidoo kale uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed taageerada ay siiyaan hay’adaha amniga, iyo doorka beesha caalamka ee taageerada arrimaha amniga Soomaaliya.