U bood dhigaalka

Turkiga oo Dadaallo Siyaasadeed Ka Wada Muqdisho

Juun 5, 2026

Muqdisho, Soomaaliya – Dawladda Turkiga ayaa sare u qaadday dadaallada ay ku doonayso inay ku qaboojiso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, xilli warar isa soo taraya ay sheegayaan in wafdi Turki ah oo ay ku jiraan diblomaasiyiin iyo saraakiil amni ay kulamo gaargaar ah Muqdisho kula leeyihiin madaxda DFS iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in wafdiga Turkiga uu qeyb ka yahay dadaallo dhexdhexaadin ah oo Ankara ay ku doonayso inay isugu soo dhowayso DFS iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku loollamaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo jihada uu dalka aadayo xilligan kalaguurka siyaasadeed lagu jiro.

Wararka la helayo ayaa, sidoo kale, tilmaamaya in xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) ay ka mid yihiin wafdiga ku sugan Muqdisho, inkastoo uusan weli jirin warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Dawladda Turkiga ama dhinaca DFS, oo si toos ah uga warbixinaya kulamadaas.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu soo warramayaa in ay gurigiisa kula shirsanyihiin saraakiisha Turkidu. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay iska-hor-imaadyo hubaysani ka dhex aloosnaayeen DFS iyo maleeshiyaad taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Turkiga ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibbada ugu dhow Soomaaliya, isagoo door muuqda ku leh dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, dhaqaalaha iyo dibudhiska hay’adaha dawladda . Sidaas darteed, dadaal kasta oo dhexdhexaadin ah oo Ankara hormuud ka noqoto ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama uu saamayn ku yeelan karo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya toddobaadyada iyo bilaha soo aaddan.

Dhinaca kale saaxiibbada caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in khilaafka siyaasadeed lagu xaliyo wadahadal, wadar-oggol iyo isu tanaasul, si looga baaqsado dhibaatooyin kale oo xaaladda cakiran uga sii dara.