U bood dhigaalka

UNHCR iyo NRC: 12,500 Qoys Oo Ka Barakacay Dagaalladii Muqdisho

Juun 5, 2026

Muqdisho – Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya arrimaha ilaalinta shacabka ayaa lagu sheegay in dagaalladii ka dhacay Muqdisho 3-dii Juun 2026 ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana ay barakaceen qiyaastii 12,500 qoys.

Warbixinta ayaa sheegtay in iska horimaadyo culus ay dhexmareen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo koox hubeysan oo mucaarad la xiriirta, kuwaas oo ka billowday agagaarka Isgoyska Dabaka, kuna fiday degmooyinka Howlwadaag, Cabdicasiis, Hodan, Warta Nabadda iyo qaybo ka mid ah Kaaraan.

Sida lagu xusay warbixinta, ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay, halka 189 kalena ay ku dhaawacmeen dagaallada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dad badan ay ku xayirmeen guryahooda xilli ay socdeen rasaasta iyo madaafiicda, taasoo sare u qaaday khatarta soo wajahday shacabka rayidka ah.

Hay’adaha warbixinta diyaariyay ayaa ka digay in barakaca degdegga ah uu sababay xaalado adag oo ay ka mid yihiin hoy la’aan, helitaan la’aanta adeegyada aasaasiga ah iyo kordhinta nuglaanshaha haweenka, carruurta, dadka da’da ah iyo dadka naafada ah.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qaxootiga iyo magangelyo-doonka ku sugan Muqdisho ay si gaar ah u saameeyeen colaadda, maadaama ay horeyba ugu jireen xaalado nugul oo dhinaca amniga iyo adeegyada ah.

Hay’adaha ilaalinta shacabka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaallada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, kana fogaadaan waxyeellada shacabka iyo burburinta kaabeyaasha rayidka.