U bood dhigaalka

DEG-DEG: Turkiga Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay Soomaaliya

Juun 9, 2026

Dowladda Turkey ayaa si rasmi ah u beddeshay safiirkeedii u joogay Somalia, kadib wareegto uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay Ferhat Alkan inuu noqdo safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, isagoo beddelaya Alper Aktaş.

Safiirkii hore, Alper Aktaş, ayaa bilihii la soo dhaafay si dhow ula shaqeynayay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda siyaasadda dalka, xilli xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayay, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed.

Magacaabistan cusub ayaa imanaysa iyadoo Soomaaliya iyo Turkigu ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed oo aad u dhow, isla markaana Ankara ay ka mid tahay saaxiibada ugu waaweyn ee taageera dowladda Soomaaliya.