U bood dhigaalka

Musharaxa hoggaamiyaha Galmudug Liibaan oo Xalliyay Xiisaddii Doorashada Koonfur Galbeed

Juun 9, 2026

Xiisaddii siyaasadeed ee ka dhalatay hannaanka doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid si weyn loo dejiyay, kaddib dadaallo wadahadal iyo isu soo dhawaansho ah oo ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa tilmaamaya in musharaxiintii u tartamaysay madaxtinimada Koonfur Galbeed ay dib ugu soo laabteen geeddi-socodka doorashada, kaddib markii xal laga gaaray tabashooyinkii ay ka qabeen habraaca doorashada, gaar ahaan arrimaha la xiriiray warqadda codbixinta.

Arintaan waxaa door muuqda ku lahaa Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, oo maalmahan ku sugnaa Baydhabo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Liibaan uu kulamo gaar-gaar ah iyo wadatashiyo la yeeshay musharaxiinta iyo dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo horseeday in jawiga siyaasadeed uu dego isla markaana dib loogu soo laabto miiska wada-hadalka.

Liibaan Axmed Xasan ayaa ku guuleystay in mar kale la isu soo dhaweeyo siyaasiyiin miisaan leh oo ay kamid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed (Jawaari), taasoo sahashay in la helo jawi is-afgarad iyo is-aaminaad ku dhisan.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee Liibaan Axmed Xasan lagu ammaano kaalinta uu ka qaato xalinta khilaafaadka iyo isu keenista dhinacyada kala aragtida duwan.

Muddooyinkii dambe wuxuu caan ku noqday hannaan ku saleysan wadahadal, isu tanaasul iyo raadinta xalal waara oo lagu xalliyo murannada siyaasadeed.