MUQDISHO (Goobjoog News) – Xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dnexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka, ayay saaxiibada caalamku bilaabeen faragelin diblomaasiyadeed oo toos ah si loogu qasbo dhinacyada inay miiska wadahadalka ku soo laabtaan.
Kulan xasaasi ah oo albaabadu u xidhan yihiin ayaa maanta ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray hoggaanka sare ee mucaaradka iyo wakiillo miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya oo ka socday Qaramada Midoobay (UN), Midowga Yurub (EU), dowladda Mareykanka, iyo Ingiriiska.
Kulanka waxaa dhanka mucaaradka uga qaybgalay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo wasiirkii hore ee qorshaynta Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Caynte, kuwaas oo horfadhiistay diblomaasiyiinta reer Galbeedka iyo wakiillada UN-ka si ay u hordhigaan qodobada ay isku hayaan iyaga iyo dowladda.
Maxaa Looga Hadlay Kulanka?
Ilaha ku dhow dhow kulanka ayaa xaqiijiyay in ajandaha ugu weyn uu ahaa sidii xal loogu heli lahaa iska-horimaadyadii iyo rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo walaac weyn ku beeray caasimadda. Mucaaradka ayaa si adag u dhaliilay hannaanka doorashooyinka ee ay dawladdu waddo, iyagoo ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo horseedi kara xasilooni-darro amni.
Mucaaradku waxay si cad ugu sheegeen wakiillada caalamka in aysan aqbali doonin doorasho aan heshiis lagu ahayn, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo isugu keeno dhammaan saamileyda siyaasadda si loo dejiyo hannaan doorasho oo wadar-ogol ah.
Culayska Diblomaasiyadeed iyo Aragtida Dawladda
Kulankan wuxuu muujinayaa in beesha caalamku ay hadda qaadayso tallaabooyin ay ku dhex-dhexaadinayso dhinacyada, xilli dawladdu ay aaminsan tahay in hannaanka doorashada uu u socdo si habsami ah isla markaana aan marnaba loo dulqaadan doonin in hub iyo carqalad lagu raadiyo dano siyaasadeed.
Ololeyaashan diblomaasiyadeed ee ka dhex bilowday caasimadda ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah, waxaana la eegi doonaa haddii cadaadiska beesha caalamku uu ku khasbi doono Dawladda Federaalka inay wax ka bedosho hannaanka doorashada, ama haddii ay dawladdu ku adkaysan doonto go’aankeeda ku aaddan ilaalinta sharciga iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.