Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sam Kavuma, ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka miinooyinka (UNMAS), Fran O’Grady.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac si wax looga qabto halista sii kordheysa ee walxaha qarxa, kuwaas oo weli caqabad weyn ku ah amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha la dagaallanka miinooyinka iyo walxaha qarxa, gaar ahaan kuwa ay adeegsadaan kooxaha hubeysan.
Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay in la ballaariyo qorshaha “Tababarka Tababarayaasha” si loo dhiso awood qaran oo waarta, taas oo u suuragelin karta hay’adaha amniga Soomaaliya inay si madax-bannaan ula tacaalaan khataraha ka dhasha walxaha qarxa.
Taliye Sam Kavuma ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in ciidamada AUSSOM iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya lagu qalabeeyo aqoon iyo xirfado casri ah oo ay kaga hortagi karaan walxaha qarxa, kuwaas oo si joogto ah khatar ugu haya ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxa UNMAS, Fran O’Grady, ayaa xaqiijiyay in hay’addu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in wada-shaqeynta la xiriirta la dagaallanka miinooyinka ay qayb muhiim ah ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay weli wajahaysay caqabado amni oo la xiriira walxaha qarxa, kuwaas oo si weyn u saameeya dhaqdhaqaaqa bulshada, horumarka adeegyada iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka.