U bood dhigaalka

Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Beeniyay Eedeymaha La Xiriira Safarkiisii Kenya

Juun 29, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya Jibriil Xaaji CabdiRashiid ayaa si rasmi ah u beeniyay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo la xiriiray safarkiisii dhawaan uu ku tagay Kenya, isagoo sheegay in dhammaan eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku caddeeyay inuusan marna ku lug yeelan wax fal ah oo wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida, xasilloonida ama wadajirka dhuleed ee Kenya ama Soomaaliya, isla markaana uu waajibaadkiisa u gutay si waafaqsan sharciga, nabadda gobolka iyo xiriirka wanaagsan ee dalalka deriska ah.

Jibriil ayaa sidoo kale ammaanay doorka Kenya ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay, isagoo xusay martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, ka qaybqaadashada nabad ilaalinta, howlaha bani’aadannimada iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo dhismaha dowladnimada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa shacabka iyo warbaahinta ugu baaqay inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin, isagoo dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda, wada-shaqeynta gobolka iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.