U bood dhigaalka

Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo Shardi Looga Dhigay Qaadashada Baasaboorka Soomaaliya

Juun 30, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Luulyo 2026, muwaadin kasta oo codsanaya nooc kasta oo ka mid ah baasaboorka Soomaaliya ay waajib ku noqon doonto inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso NIRA.

Go’aankan ayaa ka dhashay heshiis ay wada gaareen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), si loo xoojiyo tayada iyo kalsoonida dukumentiyada rasmiga ah ee dowladda.

Sidoo kale, laga bilaabo 1-da Oktoobar 2026, dadka ku safraya gudaha dalka waxaa looga baahan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu xaqiijiyo aqoonsigooda, iyadoo muddada ka horreysa loo adeegsan doono olole wacyigelin iyo dhiirrigelin.

ICA iyo NIRA ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan iskaashigooda si looga hortago dukumentiyada been-abuurka ah, xatooyada aqoonsiga iyo ku takri-falka xogta muwaadiniinta, isla markaana bulshada loogu wacyigeliyo muhiimadda adeegsiga dukumentiyada rasmiga ah.

Go’aannadan ayaa qayb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo nidaam aqoonsi qaran oo casri ah, lagu adkeynayo amniga, laguna horumarinayo adeegyada dowladda.