Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tacab iyo dadaal badan gelisay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, iyadoo arrintaas kala tashatay daneeyeyaasha kala duwan ee siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Dowladdu waxay tilmaantay in hirgelinta nidaam doorasho oo dimuqraadi ah ay muhiim u tahay xoojinta dowladnimada, matalaadda shacabka iyo ka gudubka nidaamka awood-qaybsiga ee ku saleysan qabiilka.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto wada-hadallada iyo la-tashiyada ay la yeelanayso dhinacyada siyaasadda iyo daneeyeyaasha kale, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan hannaanka doorasho ee dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa doorashooyin loo dhan yahay, hufan isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in Soomaaliya ay u gudubto nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo dimuqraadiyad ku dhisan xisbiyo badan.