U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Baaritaan ku Bilowday Askar Ku Xadgudbay Calanka Mareykanka

Luuliyo 10, 2026

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga gashay muuqaal dhowaan ku baahay baraha bulshada, kaasi oo muujinayay shakhsiyaad ku labisan dareeska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku kacaya falal aan la aqbali karin oo ka dhanka ah calanka dalka Mareykanka.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in falkaasi uu yahay mid gabi ahaanba ka horimaanaya qiyamka, anshaxa, iyo xirfad-nimo ee laga filayo Ciidanka Qaranka, isla markaana uusan marnaba ka tarjumaynin aragtida Wasaaradda Gaashaandhigga ama tan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaadday in xilligan gacanta lagu dhigay shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkan, isla markaana uu hadda socdo baaritaan qoto dheer oo lagu ogaanayo duruufihii ku gedaannaa dhacdadan, si loo mariyo ciqaab adag oo isugu jirta mid anshaxeed iyo mid sharci.

Dhanka kale, qoraalka wasaaradda ayaa lagu nuux-nuux saday in Soomaaliya ay aad u qiimeyso iskaashiga fog ee dhanka amniga ee kala dhexeeya dowladda Mareykanka, iyadoo la xusay in wadashaqaynta labada dhinac ay door muhiim ah ka qaadatay dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS, iyo waliba xoojinta hay’adaha amniga ee dalka.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay ixtiraamka weyn ee ay u heyso shacabka iyo calanka dalka Mareykanka, iyadoo ballan-qaadday inay sii jiri doonto iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada qaran.