U bood dhigaalka

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda Geeska Afrika

Luuliyo 11, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa maanta khadka taleefanka kula yeeshay wada hadal Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha Masar ee Dibadda, Dr. Badr Abdelatty.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyagoo sidoo kale diiradda saaray xaaladaha gobolka Geeska Afrika iyo arrimaha gobolka saameynta ku leh.

Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo amniga, isaga oo caddeeyey sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dal ee arrimaha ay wadaagaan.

Dhankiisa, Wasiir Badr Abdelatty ayaa mar kale xaqiijiyey mowqifka dowladda Masar ee taageerada buuxda u ah madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo hay’adaha qaranka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda Masar ayaa ku celisay diidmadiisa ku aaddan isku day kasta oo lagu aqoonsanayo gobollada waqooyi-galbeed ee Soomaaliya inay yihiin dal madax-bannaan, iyadoo ku tilmaamtay arrintaasi mid ka hor imanaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.