U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Cumar Macallin oo la wareegay xilka Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Oktoobar 25, 2026

Muqdisho, 25 Oktoobar 2026 – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halkaas oo xilka wasiirka cusub uu kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda.

Munaasabadda ayaa waxaa xilka wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdiqaadir Cumar Macallin, loogu wareejiyey, iyadoo uu xilka kala wareegay Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Cabdiqaadir Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta cusub laga filayo inay sii ambaqaadaan dadaallada lagu horumarinayo waajibaadka wasaaradda, isla markaana xoojiyaan wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Jibriil ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha istaraatiijiyadeed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu muhiimad gaar ah siinayo tayeynta maamulka iyo adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda, si loo gaaro horumar waara oo waafaqsan danaha iyo mudnaanta dalka.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ka mid ah hay’adaha muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama dekedaha iyo gaadiidka badda ay door weyn ku leeyihiin ganacsiga, isku socodka badeecadaha iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.