Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn doorashada uu waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay wada-tashi ka yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay furitaanka Baarlamaanka maamulkaas ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka, khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka iyo xaaladda deegaannada maamulkaas.
Waxa uu caddeeyay in Puntland aysan qayb ka ahayn hannaanka doorasho ee ay waddo Dowladda Federaalka, isaga oo muujiyay in aragtida maamulka Puntland ay ka duwan tahay tan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan arrimaha doorashada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, si loo helo hannaan wada-tashi oo wax looga qaban karo khilaafaadka jira.
Dhanka kale, waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isugu yimaadaan wada-hadal iyo wadatashi, isla markaana ay si wadajir ah uga arrinsadaan mustaqbalka dalka iyo sidii loo gaari lahaa xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkiisa ku muujiyay in maamulkiisu uu mowqif adag ka taagan yahay arrimaha doorashada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu qayb ka yihiin.
Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Garoowe dib ugu soo laabtay kadib safar uu muddo ku maqnaa, waxaana hadalladiisa ay kusoo aadayaan xilli ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hannaanka doorashada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.