U bood dhigaalka

Dagaalka Iiraan oo khatar ku haya sugnaanta cuntada Afrika, iyadoo ay sare u kacayaan qiimaha shidaalka iyo bacarimintu

Oktoobar 27, 2026

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa saameyn dhaqaale ku yeeshay dalal badan oo Afrikaan ah, iyadoo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo bacriminta uu khatar ku yahay wax-soo-saarka beeraha iyo helitaanka cuntada, sida ay sheegeen wasiirro ganacsi oo Afrikaan ah iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.

Luz Maria de la Mora, oo ah agaasimaha Waaxda Ganacsiga Caalamiga ah iyo Badeecadaha ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Ganacsiga iyo Horumarinta (UNCTAD), ayaa sheegtay in carqaladaha ka jira marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz ay sare u qaadeen qiimaha bacriminta, taas oo keeni karta in beeraleydu ay yareeyaan isticmaalkeeda, arrintaasina ay saameyn ku yeelan karto dalagyada la goosanayo sannadka soo socda.

Waxay ku baaqday in si degdeg ah xal looga gaaro xaaladda ka taagan marin-biyoodka Hormuz, iyadoo ka digtay in haddii qiimaha bacrimintu sii sarreeyo ay adkaan karto helitaanka cunto ku filan, isla markaana ay kordhi karaan qiimaha raashinka iyo khatarta cunno-yarida.

Marin-biyoodka Hormuz ayaa muhiim u ah ganacsiga tamarta adduunka, maadaama ka hor carqaladaha dagaalka uu mari jiray ku dhowaad shan-meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee dunida laga ganacsado.

Hakadka iyo caqabadaha ku yimid isu-socodka maraakiibta ayaa saameyntooda ku fidiyey suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka ku tiirsan shidaalka iyo agabka beeraha ee dibadda laga keeno.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka saameynta dagaalka toos looga dareemaya, ayadoo Shidaalka, gaaska cunta, iyo badeecooyinka kale ee dibedda laga keeno intooda badan uu sare kac weyni ku yimid qiimo ahaan.

Sidoo kale Zimbabwe ayaa ka mid ah dalalka walaaca ka muujiyey saameynta xaaladdan, ayadoo wasiirka arrimaha haweenka, bulshada iyo horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee dalkaas,Monica Mutsvangwa ay sheegtay in sare u kaca qiimaha shidaalka iyo bacrimintu uu dhibaato weyn ku yahay Zimbabwe, halkaas oo in ka badan 70 boqolkiiba dadka ay ku tiirsan yihiin beeraha.

Sidoo kale, Uganda ayaa wajahaysa cadaadis dhaqaale oo la xiriira kororka qiimaha shidaalka. Sanjay Tanna, wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo iskaashatooyinka Uganda, ayaa sheegay in qiimaha shidaalku uu dalkaas in ka badan labanlaabmay, taas oo kordhinaysa culayska saaran shacabka iyo ganacsatada.

Inkasta oo wax-soo-saarka gudaha ee cuntadu uu Uganda ka caawinayo inay qayb ahaan iska ilaaliso isbeddellada suuqyada caalamka, haddana dalkaasi kama badbaadin saameynta dhaqaale ee dagaalka. Wasiirku wuxuu sheegay in lacagta Uganda ay boqolkiiba 10 ka lumisay qiimaheeda marka loo eego doolarka Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in saameynta kororka qiimaha shidaalku aysan ku koobnayn tamarta oo keliya, balse ay gaartay silsiladaha sahayda, gaadiidka iyo kharashaadka wax-soo-saarka, kuwaas oo sii kordhin kara qiimaha badeecadaha aasaasiga ah.

Dhanka kale, Zimbabwe ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo jiidato maalgashadayaal ka kala imanaya dalal kala duwan, iyadoo aan dhinacna si gaar ah ugu xaglinayn loollanka dhaqaale ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Wasiir Mutsvangwa ayaa xustay in dalkiisu leeyahay in ka badan 60 nooc oo macdan muhiim ah, oo ay ka mid yihiin lithium-ka iyo graphite-ka, kuwaas oo fursado maalgashi u abuuri kara dalka.

Saraakiisha UNCTAD ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalalka soo koraya ay u baahan yihiin maalgashi, kaabayaal dhaqaale oo wanaagsan, koronto la isku halleyn karo iyo hay’ado hufan si ay u xoojiyaan awooddooda dhaqaale, una yareeyaan saameynta dhibaatooyinka caalamiga ah.
Jean-Jacques Bouya, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Koongo u qaabilsan isku-duwidda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo qorsheynta dhulka, ayaa sheegay in Afrika aysan sii ahaan karin meel laga soo saaro kheyraad ceeriin ah oo dibadda loo dhoofiyo, halka badeecooyinka la farsameeyey dib loogu iibiyo qiimo sare.
Wuxuu ku baaqay in dalalka Afrika ay kordhiyaan farsameynta kheyraadkooda gudaha, si faa’iidada dhaqaale iyo shaqo-abuurku ugu haraan qaaradda.

Si kastaba ha ahaatee digniinaha saraakiisha Afrika iyo Qaramada Midoobay waxay muujinayaan in sii socoshada dagaalka Iiraan iyo carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ay sii kordhin karaan culayska dhaqaale ee dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa ay beeruhu laf-dhabar u yihiin dhaqaalahooda, isla markaana ay halis gelin karaan wax-soo-saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada sannadaha soo socda.