Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad lagu soo xirayay Xafiiska Kaalmada KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Munaasabaddan ayaa lagu soo afjaray howlaha xafiiska UNTMIS, oo muddo ka shaqeynayay taageerada geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, nabad-dhisidda, dowlad-dhiska iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda.
Xafiiska UNTMIS ayaa door ka qaatay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyadoo wada-shaqeynta Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo nabadda.
Soo xiritaanka xafiiskan ayaa qeyb ka ah isbeddelka ku yimid qaabka wada-shaqeyneed ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaddib muddo ay hay’addu dalka ka waday howlo la xiriira taageerada siyaasadda iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Tallaabadan ayaa calaamad u ah marxalad cusub oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo la soo afjarayo waajibaadkii xafiiska UNTMIS, kaas oo qeyb ka ahaa taageerada dadaallada Soomaaliya ee dhismaha dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha qaranka.