Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga toddobo safiir oo cusub oo dalalkooda u soo magacaabeen Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka caalamka.