U bood dhigaalka

Burcad-baddeed Soomaali ah oo afduubtay dooni laga leeyahay dalka Iiraan

Maarso 26, 2026

Digniin cusub oo ay soo saartay Xarunta Amniga Badaha ee Badweynta Hindiya (MSCIO) ayaa lagu sheegay in koox burcad-baddeed Soomaali ah ay afduubteen dooni laga leeyahay dalka Iiraan.

Doonidaan ayaa lagu magacabaa Al Waseemi 786, taasi oo laga baqayo inay u adeegsadaan saldhig ay ka weeraraan maraakiibta kale ee ganacsiga kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Dhacdadan ayaa ka dhacday shalay meel qiyaastii 400 oo mayl-badeed dhanka bari kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taas oo muujinaysay in kooxaha burcaddu ay hadda awood u leeyihiin inay aad uga fogaadaan xeebaha si ay u beegsadaan maraakiibta caalamiga ah.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa aaminsan in doontaan ay noqon karto mid u sahlaysa burcad-baddeeda inay ku dhex dhuuntaan doomaha kalluumeysiga ee caadiga ah.

Inkastoo bishii u dambeysay ay xaaladdu xoogaa deggenayd, haddana dhacdadan ayaa muujinaysay in khatartu ay weli taagan tahay, iyadoo tan iyo bishii Nofembar 2023 la diiwaangeliyay illaa 57 dhacdo oo la xiriira isku-dayo ama afduubyo ka dhacay gobolka.

Maraakiibta maraysa agagaarka halka ay wax ka dhaceen ayaa looga digay inay u dhowaadaan masaafo dhan 200 oo mayl-badeed, maadaama burcaddu ay hadda haystaan agab ay ku kordhin karaan weeraradooda ilaa 600 oo mayl-badeed ka fog xeebaha Soomaaliya. Tani waxay dhabar-jab ku tahay dedaalladii caalamiga ahaa ee lagu xasilinayay amniga marin-badeedyada muhiimka ah ee ku dhow Geeska Afrika.