Dawladda Iran ayaa soo saartay digniin culus oo ku aaddan inay weerarro toos ah ku qaadi karto dalalka Jabuuti, Lubnaan, iyo Suuriya haddii ay sii xoogaysato xiisadda ka aloosan gobolka Bariga Dhexe.
Sida ay baahisay warbaahinta dawladda Iran ee Fars News, Tehran waxay u aragtaa goobo gaar ah oo ku yaalla dalalkaas inay yihiin bartilmaameedyo sharci ah oo lala beegsan karo gantaallo ama weerarro kale oo militari.
Dalka Jabuuti, Iran waxay si gaar ah farta ugu fiiqday Garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti iyo saldhigga weyn ee Camp Lemonnier, iyadoo ku doodaysa in Mareykanku uu halkaas ka fuliyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah danaha Iran iyo xulafadeeda.
Dhanka Lubnaan, waxay xustay in garoonkii hore ee caasimadda Beirut uu noqon karo bartilmaameed maadaama la tuhunsan yahay inay ka socdaan hawlo saad oo uu Mareykanku leeyahay.
Waxa ugu yaabka badnaa warbixintan ayaa ah in Iran ay liiska ku dartay goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalka Suuriya, oo ay ka mid yihiin laba hotel oo caan ah iyo xataa Qasriga Madaxtooyada ee Dimishiq.
Iran waxay ku andacoonaysaa inay goobahaas ku kulmaan la-taliyayaal ka socda dalalka reer Galbeedka iyo Israa’iil, taas oo haddii ay dhabowdo ka dhigaysa xaaladda mid halis galinaysa xulafadii hore ee gobolka ka jirtay.