Wafdi sare oo ka socda dowladda Turkiga, kana kooban mas’uuliyiin heer sare ah, ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana hoggaaminaya Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la filayo in ay yeeshaan kulamo muhiim ah oo la xiriira iskaashiga dhinacyada tamarta, shidaalka iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah.
Imaanshaha wafdiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada sahminta iyo qodista shidaalka ee xeebaha dalka.
Waxaa la rumeysan yahay in kulamada ay labada dhinac yeelan doonaan ay diiradda saari doonaan dardargelinta mashaariicda shidaalka, oo ay ka mid tahay howlaha uu wado markabka Turkiga ee “Çağrı Bey”.
Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga u aragta saaxiib muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata dib u dhiska dalka, halka Turkiguna uu daneynayo ballaarinta maalgashigiisa iyo iskaashiga dhaqaale ee Geeska Afrika.
Ugu dambeyn, safarka wafdigan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya xiriirka labada dal, isla markaana horseedi kara horumar dhinaca tamarta iyo dhaqaalaha Soomaaliya.