U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Agaasimaha Cusub ee Socdaalka iyo Jinsiyadda

Abriil 13, 2026

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo loo magacaabay Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow).

Wuxuu beddelayaa Mustafe Dhuxulow, oo hore u hayey jagadaas isla markaana ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahaa ka hor intaan xilka loo magacaabin. Iidow sidoo kale waa Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka.

Waxaa xusid mudan in labada mas’uul ay wadaagaan taariikh la mid ah, maadaama ay labaduba ka yimaadeen Baarlamaanka Federaalka, kana mid noqdeen xildhibaannada loo magacaabay xilka Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa muhiimka u ah adeegyada dadweynaha sida socdaalka iyo jinsiyadda.

Magacaabista Agaasimaha cusub ayaa la filayaa in ay wax ka beddesho habsami u socodka shaqada hay’adda, isla markaana kor u qaaddo tayada adeegyada la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka ajaanibta ah ee dalka soo galaya.