Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Hu Changchun, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda istaraatiijiga ah ee iskaashiga labada dal.
Dowladda Shiinaha ayaa markale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee ku aaddan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Shiinaha ayaa dhankiisa caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya, isagoo taageeraya dadaallada ay hormuudka ka tahay dowladda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, gaar ahaan madalaha caalamiga ah.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, iyagoo tilmaamay in ay tahay fursad weyn oo lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iideysiga khayraadka badda ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa muujinaya isfahamka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo rajada laga qabo in iskaashiga labada dal uu gaaro heerar cusub oo wax ku ool ah.