Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale fariin adag u dirtay maamulka Israa’iil, iyadoo ku eedeysay faragelin toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, oo wareysi siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Anadolu Agency, ayaa si kulul uga hadlay waxa uu ku tilmaamay isku dayo lagu kala qeybinayo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in tallaabooyinka Israa’iil ay si toos ah u wiiqayaan midnimada dalka, isla markaana ay halis gelinayaan xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto marinnada istiraatiijiga ah ee caalamka, gaar ahaan:
Gacanka Cadmeed
Marinka Bab el-Mandeb
kuwaas oo uu tilmaamay in qiyaastii 30% ganacsiga adduunka uu maro.
Dhanka kale, Cali Balcad ayaa cadeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan Somaliland, isagoo sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo “Somaliland mideysan,” isla markaana uu tilmaamay in qaybo ka mid ah dhulkaas ay si toos ah u hoostagaan Dowladda Federaalka, halka deegaanno kalena ay ka jiraan khilaafaadyo gudaha ah.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo ururrada caalamiga ah in ay:
Ixtiraamaan madaxbannaanida Soomaaliya
Taageeraan midnimada dhuleed ee dalka
Ka hortagaan faragelin kasta oo dibadeed