Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la xoojiyo sharciyada ilaalinta carruurta, xilli ay ka hadlaysay madal heer qaaradeed ah oo ka dhacday magaalada Maseru ee dalka Lesotho.
Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abuukar, ayaa ka jeediyay khudbad muhiim ah shirka 47-aad ee Guddiga Khubarada Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.
Maryan Cali Abuukar ayaa carrabka ku adkaysay in ansixinta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta ay door weyn ka qaadan karto xoojinta sharciyada iyo hay’adaha u xilsaaran ilaalinta carruurta Soomaaliya.
Waxay sheegtay in tallaabadan ay sidoo kale ka caawin doonto dalka inuu waafajiyo sharciyadiisa heerarka qaaradda Afrika.
Intii uu socday shirka, wafdiga Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin iyo daneeyayaal kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga iyo taageerada barnaamijyada daryeelka carruurta iyo horumarinta mustaqbalka fog.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa muujinaya dadaallada sii kordhaya ee dowladda ay ku doonayso inay ku xoojiso nidaamka ilaalinta bulshada, gaar ahaan carruurta oo ka mid ah dadka ugu nugul dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha, abaaraha iyo barakaca dalka ka jira.
Guddiga Khubarada Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta ayaa door muhiim ah ka ciyaara kormeerka hirgelinta xuquuqda carruurta iyo la-talinta dowladaha si ay u sameeyaan isbeddello sharci iyo siyaasad oo wax ku ool ah.