U bood dhigaalka

Maersk oo si KMG ah u joojisay shaqadii Dekedda Berbera

Abriil 22, 2026

Shirkadda caalamiga ah ee xamuulka qaada ee Maersk ayaa si ku-meel-gaar ah u joojisay howlihii ay ka wadday Dekedda Berbera ee maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay shirkaddu soo saartay.

Go’aankan ayaa imanaya iyadoo aan si rasmi ah loo faahfaahin sababta keentay hakinta, hase yeeshee shirkaddu waxay caddeysay inay sii wadi doonto adeegyada ay ka bixiso dekedaha kale ee gobolka.

Maersk ayaa xaqiijisay in howlaheeda ganacsi ay si caadi ah uga socdaan dekedaha Muqdisho, Jabuuti iyo Mombasa, kuwaas oo muhiim u ah isu socodka ganacsiga Bariga Afrika.

Hakinta shaqada ee Berbera ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo xamuulka dekeddaasi, oo muddooyinkii dambe ahayd marin muhiim u ah badeecadaha soo gala iyo kuwa ka baxa gobolka.

Ilaa hadda, maamulka dekedda Berbera iyo saraakiisha deegaanka ayaan ka hadlin tallaabada ay shirkaddu qaadday.