Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa ka digtay in isticmaalka aan la xakameyn ee baraha bulshada uu halis ku yahay xorriyadaha aasaasiga ah, iyadoo tilmaantay warar been abuur ah, xadgudubyo online ah iyo ku tumasho asturnaanta dadka.
Maryan Qaasim oo ka hadleysay madal ay Muqdisho ku qabatay Heritage Institute ayaa sheegtay in xogaha marin habaabinta ah iyo anshax xumada dijitaalka ah ay dhaawacayaan kalsoonida bulshada, gaar ahaan dhalinyarada nugul.
Waxay carrabka ku adkeysay in ilaalinta xuquuqda goobaha dijitaalka ah sida xorriyadda hadalka, karaamada bani’aadamka iyo asturnaanta ay u baahan tahay iskaashi u dhexeeya dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo isticmaaleyaasha.
Guddoomiyuhu waxay ku baaqday in la xoojiyo maamulidda dhanka dijitaalka, isla xisaabtan badan oo lagu sameeyo baraha bulshada, iyo wacyigelin dadweyne si internet-ka loogu beddelo meel xoojinaysa xuquuqda, halkii ay dhaawici lahayd.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay si xowli ah ugu kordhayaan isticmaalka internet-ka iyo baraha bulshada, iyadoo laga muujinayo walaac ku saabsan saameynta dhaqdhaqaaqyada dijitaalka ah ee aan nidaamsaneyn.