U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo €75 Milyan u qoondeeyay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Abriil 24, 2026

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu €75 milyan u qoondeeyay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, iyadoo lacagtaas laga bixinayo Sanduuqa Nabadda Yurub (European Peace Facility).

Taageeradan ayaa daboolaysa baahiyaha howlgalka ee sanadka 2025 iyo rubuca hore ee 2026.

Maalgelintan ayaa lagu taageerayaa gunnooyinka ciidamada iyo qalab aan dagaal ahayn oo loo adeegsanayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa sheegay in taageeradani ay qeyb ka tahay xoojinta amniga Soomaaliya, iyagoo sidoo kale muujiyay rajada ah in la helo wadaag mas’uuliyadeed oo ballaaran iyo in la sii xoojiyo madax-bannaanida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.