Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-Heshiisiinta maamulka Koonfur-Galbeed ayaa guddoomiyaha magaaalada Baydhabo loogu magacaabay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate).
Wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan dhaqan gashay maanta oo taariikhdu tahay 25-ka April 2026, iyadoo mas’uulkan cusub lagu wareejiyay hoggaanka magaalada Baydhabo ahna duqa magaalada.
Sidoo kale, wareegtada ayaa xilka looga qaaday Cabdullaahi Cali Watiin, oo kamid ahaa masuuliyiintii ku dhaweyd maamulka Madaxweynaha Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen.
Wararka ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ay kusoo aadeyso xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhawaan xabsi dhigtay Cabdullaahi Cali Watiin, arrintaas oo hadal-heyn siyaasadeed dhalisay.
Magacaabistan cusub ayaa la filayaa inay wax ka beddesho maamulka iyo amniga Baydhabo, iyadoo maamulka gobolka Bay lagu amray inay fududeeyaan la wareegista xilka guddoomiyaha cusub.