U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Jadwal Cusub oo Doorashada KGS ah

Abriil 27, 2026

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa shaaciyay in la kordhiyay muddada kama dambaysta ah ee ururrada siyaasadeed ay ku soo gudbinayaan liisaska musharaxiinta doorashada goleyaasha deegaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War-saxaafadeedka guddiga ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu gaaray kadib codsiyo uga yimid ururrada siyaasadeed, wadatashiyo lala yeeshay daneeyeyaasha, iyo qiimeyn lagu sameeyay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si hufan, sharciyeysan oo loo dhan yahay.

Sida lagu sheegay go’aanka cusub, muddada soo gudbinta liisaska musharaxiinta oo markii hore ku ekeyd 25-ka April ayaa loo kordhiyay ilaa Talaadada 5-ta May 2026, si fursad dheeri ah loo siiyo ururrada siyaasadeed inay dhammeystiraan habraacyada musharaxiinta.

Dhanka kale, guddigu wuxuu sidoo kale dib u dhigay maalinta doorashada goleyaasha deegaanka Koonfur Galbeed oo markii hore ku beegneyd 28-ka April, iyadoo hadda loo asteeyay Axadda 10-ka May 2026.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadeed inay ka faa’iideystaan muddada dheeraadka ah, islamarkaana ay ilaaliyaan ka qeybgal loo dhan yahay, gaar ahaan matalaadda haweenka iyo bulshada kale ee laga tirada badan yahay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in dib-u-dhiggan uusan saameyn doonin hufnaanta hanaanka doorashada, balse uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda jawi nabdoon.

Go’aankan ayaa imanaya xilli diyaar-garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka Koonfur Galbeed uu marayo heer xasaasi ah, iyadoo guddigu ballanqaaday inuu sii wadi doono wacyigelin iyo dardar-gelinta howlaha doorashada.