Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa howlgalka, Raisedon Zenenga, waxaana wehlinayay Vikram Parekh.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka kala-guurka ee UNTMIS iyo xaaladaha isbeddelaya ee siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha ayaa carrabka ku adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay kala-guur ay hoggaaminayaan Soomaalida, kaas oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed isla markaana lagu dardargelinayo horumarka laga sameeyay nabadda iyo dhismaha dowladnimada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn joogto ah si taageerada caalamiga ah ay ula jaanqaaddo mudnaanta qaran ee Soomaaliya, loona xoojiyo xasilloonida iyo horumarka waara ee dalka.
Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo dowladda federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay xoojinayaan wadashaqeynta la xiriirta taageerada dowlad-dhiska iyo amniga.