U bood dhigaalka

GARACAD: Burcad-badeed weerar ku qaaday Saldhig boolis

Abriil 30, 2026

Iska horimaad hubeysan oo saaka ka dhacay degmada Garacad ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca taliyaha saldhigga Jariiban, oo hore u soo noqday taliyaha saldhigga bartamaha Garowe.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay doonayeen inay la baxaan rag ku eedeysan falal burcad-badeednimo, kuwaas oo ku xirnaa saldhigga.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof oo kale intii uu socday iska horimaadkan.

Maamulka Puntland ayaa durba ciidamo dheeraad ah u diray saldhigga booliiska Garacad si loo xoojiyo ammaanka loogana hortago qalalaase kale.

Xaaladda ayaa haatan degan, iyadoo ciidamada ammaanku ay wadaan feejignaan sare.