U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Lagu Wado in Turkigu ku Tijaabiyo Gantaal Qaaradaha isaga Gudba

Maajo 8, 2026

Dowladda Turkey ayaa qaaday tallaabo cusub oo dhanka awoodda milatariga ah, kadib markii ay shaacisay qorshe ay ku tijaabinayso gantaal nooca ICBM ah (Intercontinental Ballistic Missile), kaas oo awood u leh inuu gaaro masaafo dhan 6,000-km.

Warbixin ay daabacday Bloomberg⁠ ayaa sheegtay in gantaalkan oo lagu magacaabo “Yildirimhan” lagu soo bandhigay bandhigga difaaca ee SAHA Expo ee magaalada Istanbul, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay tilmaameen in Turkiga qorsheynayo inuu tijaabada ugu horreysa ku sameeyo gudaha Somalia dabayaaqada sanadkan.

Haddii qorshahan hirgalo, Turkiga wuxuu ku biiri doonaa dalalka kooban ee haysta gantaallada qaaradaha isaga gudba, oo ay kamid yihiin United States, Russia iyo China.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Ankara ay doonayso inay horumariso awooddeeda hawada sare, si mustaqbalka ay u yeelato dayax-gacmeedyo sirdoon oo si toos ah xogta ula socda dhaq-dhaqaaqyada milatari.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Turkiga uu si weyn u ballaarinayo saameyntiisa militari iyo tan istaraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga militari ee TURKSOM ee magaalada Mogadishu.

Falanqeeyayaal amni ayaa aaminsan in tallaabadan ay sare u qaadi karto awoodda difaac iyo weerar ee Turkiga, balse ay sidoo kale dhalin karto walaac cusub oo ku saabsan tartanka hubka casriga ah ee gobolka iyo caalamka.