U bood dhigaalka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Dhaleeceeyay Xeeladaha Mucaaradka, Kuna Baaqay in la Muujiyo Bisayl Siyaasadeed.

Maajo 11, 2026

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad ayaa sheegay in qaar kamid ah mucaaradka Soomaaliya ay isu beddeleen hoggaamiye-kooxeedyadii hore, isagoo ku eedeeyay inay warqado u diraan hay’adaha caalamiga ah sida World Bank si cadaadis loogu saaro dowladda Soomaaliya ama loo hakiyo taageerada la siiyo dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabooyinka noocaas ah ay dhaawac ku yihiin dowlad-dhiska, horumarka dalka iyo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Waxa uu xusay in dowladda Federaalka ay ku howlan tahay dib-u-dhis iyo horumar, isla markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo danaha qaranka.

Sidoo kale, Cali Balcad ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka in khilaafaadka jira lagu xalliyo wadahadal iyo hannaan siyaasadeed oo dastuuri ah, halkii la adeegsan lahaa cadaadis dibadeed oo saameyn kara taageerada ay Soomaaliya ka hesho beesha caalamka.