U bood dhigaalka

DEG DEG: Guddiga Doorashooyinka oo lagu Wado inay Shaaciyaan Natiijada Doorashada Koonfur Galbeed

Maajo 13, 2026

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha si rasmi ah u shaaciyaan natiijada doorashadii xubnaha labada gole ee ka dhacday deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa warbaahinta u diray wargelin ku saabsan in la qaban doono shir lagu soo bandhigayo natiijada codbixinta, xilli ay wali socoto diyaarinta tirada ugu dambeysa ee codadka la dhiibtay.

Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo noqoneysa mid kamid ah tillaabooyinka ugu muhiimsan ee la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in natiijada ay saameyn siyaasadeed ku yeelato xaaladda guud ee Soomaaliya iyo wada-hadallada ka socda Muqdisho.