U bood dhigaalka

DEG DEG: Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay galayso doorasho qof iyo cod ah

Maajo 15, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalka uu galay marxalad siyaasadeed cusub oo ku dhisan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kadib warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay gudaneyso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran xaqiijinta hannaan dimuquraadi ah oo shacabka Soomaaliyeed si toos ah ugu dooranayaan hoggaankooda, si muwaadiniintu u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada.

Dowladdu waxay sheegtay in muddooyinkii lasoo dhaafay ay wadatashiyo la yeelaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadda, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale, dowladda ayaa xaqiijisay inay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay wadahadallo la lahayd xubno kamid ah mucaaradka, balse ay jiraan qodobo ay ku tilmaamtay kuwo ka hor imanaya xaqa muwaadinka Soomaaliyeed ee ah inuu wax doorto lana doorto.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah oo xor, xalaal, hufan isla markaana waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

Dowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn sheegtay in albaabka wada-hadalka iyo wadatashigu uu weli u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda si loo gaaro is-afgarad qaran.