U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo agaasime cusub u magacawday Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka

Oktoobar 27, 2026

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah.

Magacaabistan ayaa lagu ansixiyey kulan gaar ah oo Golaha Wasiirrada ay maanta ku yeesheen Muqdisho, kaas oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac.

Magacaabista Shukri Xasan Cusmaan ayaa timid kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Golaha Wasiirrada.

Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah ayaa qaabilsan arrimaha la xiriira shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo hawlgabkooda.